Al-shabaab oo weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho

Rasaas ayaa ka dhaceysa gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 Al-Shabaab ay sheegteen inay weerar ku qaadeen garoonka ammaankiisa sida weyn loo ilaaliyo, waxaana wararku intaas ku daraya in rasaastu ay ka bilaabatay albaabka Marine.

Ila wareeedyo ku dhow goobta la weeraray ayaa VOA u xaqiijiyay in ugu afar ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ay gudaha u galeen dhinaca bari ee garoonka.

Goobta la weeraray ayaa u dhow teendhada la qorsheynayo inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya. Ma jirto ila iyo hadda faah-faahin dheeraad ah oo laga bixiyay khasaaraha weerarkan.

Xigasho: VOA Somali

PUNTLAND POST