
Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee dhowaan lagu doortay Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa xildhibaanada cusub uga warbixiyay halka uu marayo ololihiisa ku jihaysan tartanka Madaxtinimada Soomaaliya.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Siciid Deni uu xildhibaannada u caddeeyay in uusan iska casili doonin xilka madaxweynaha Puntland.
Xildhibaannada ayuu u sheegay in haddii uu ku guulaysto Madaxweynaha Soomaaliya uu markaas iska casili doono Puntland balse haddii uu waayo shaqadiisa ku soo laabanayo.
Warkaas ayaa ku soo beegmay xilli Axmed Karaash codsaday in la anba-bixiyo Siciid Deni si loo wada-guulaysto.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.