Axmed Karaash oo taageeray Musharraxnimada Siciid Deni

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa lagu taageeray Musharraxnimada Madaxweyne Siciid Deni.

Waan soo dhoweynayaa ku dhawaaqida musharaxnimada Madaxweyne Deni ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu baaqay xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Puntland in ay taageeraan Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta dowladda iyo Shacabka Puntland ayuu ka codsaday in la garab istaago Musharrax Siciid Deni si loo anba-bixiyo.

PUNTLAND POST