Sheekh Aadan Sunne oo xaqiijiyay in uu ku biiray Al-shabaab

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame oo ku magacdheer Sheekh Sunne ayaa xaqiijiyay in uu kasoo baxsaday Hargeysa, islamarkaana ku biiray ururka Al-shabaab.

Sheekh Aadan Sunne oo maanta wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay hadda ku sugan yihiin degaannada koonfurta Soomaaliya ee ay gacanta ku yahaan ururka Al-shabaab.

“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay oo aan ka ahaa nin culimo ah oo ku howlan dacwada Islaamka iyo tarbiyada Islaamka ay igu timid carqalad xooggan oo ku wajahan howlsheyda, taasoo kaga timid nidaamka ka jira meesha. Hadda waxaan joogaa meel ka mid ah dalkeygii Soomaaliya, gaar ahaanna ku suntan qaybaha wilaayaadka Islaamka ay gacanta ku hayaan. Waxaan dhex mushaaxayaa wilaayaadka 11-ka ah ee ay gacanta ku hayaan xaradaha Shabaab” ayuu Aadan Sunne ku yiri wareysiga BBC-da.

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Sheekh Aadan Sunne uu ka baxsaday magaalada Hargeysa, islamarkaana ay aaminsanyihiin in uu ku biiray Al-shabaab.

Sheekh Aadan Sunne ayaa marar kala duwan lagu xiray Somaliland, isagoo lagu eedeeyay in uu abaabulayay falal argagixiso.

PUNTLAND POST