Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wariye Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) u magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.
Wariye Timire oo ka tirsanaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa muddooyinka dambe soo saari jiray barnaamijka Afmeer oo lagu wareysto dadka ku eedeysan Al-shabaab.
Hoos ka akhriso wareegtada
Garoowe, 21, March, 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11, ku magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland..
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) loo magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland.
2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
DHAMMAAD
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.