Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Guddiga Hirgelinta Doorashada dadban ee Maamulkaas.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday islamarkaana Xubinnimada Guddiga ka saaray Guddoomiye Axmed Xasan Diini sida ku cad dikreeto ka soo baxday Madaxtooyada Hirshabeelle.
Diini ayaa lagu eedeeyay in uu leexsaday habsami-u-socodka iyo Habraacyadii lagu heshiiyay oo uu xagal-daacin ku wado Doorashada.
Guudlaawe ayaa sidoo kale Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi) u magacaabay cusub ee Guddiga Hirgelinta Doorashada dadban ee Hirshabeelle.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.