Saraakiisha Booliiska Gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu hayo gabar yar oo shalay la sheegay in laga af-duubtay xaafad ka tirsan Boosaaso.
Saraakiisha ayaa sheegay in kadib baaritaan dhammaystiran oo lagu sameeyay dhacdadaas aysan jirin cid af-duubtay gabadha.
Sidoo kale waxay sheegeen in gabadhaas laga waayay wax kufsi iyo jirdil ah kadib baaritaanka lagu sameeyay.
Booliiska ayaa tilmaamay in ay maanta warbixin faahfaahsan ka soo saari doonaan natiijada baaritaankii lagu sameeyay dhacdadaas.
PUNTLAND POST