Khilaaf ka dhex qarxay Madaxweynaha Puntland iyo Isimada Gobolka Nugaal

Warar soo baxaya saacadihii u danbeeyay ayaa sheegaya in khilaaf ka dhex qarxay Madaxweyne Siciid Deni iyo Isimada Gobolka Nugaal.

Isimada ayaa ka caraysan boobka Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ku sameeyeen kursiga Golaha Shacabka #029 ee Beesha Ciise Maxamuud oo laga soo doorto magaalada Kismaayo.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa isaga baxay Garoowe halka Islaan Ciise Islaan Maxamed isna la sheegayo in uu ka baxayo magaalada.

Sidoo kale maalin ka hor waxa Garoowe isaga baxay Isimo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle kadib markii Siciid Deni ka boobay kuraasta Golaha Shacabka ee Hop#198 iyo hop#199.

PUNTLAND POST