Shil Khasaare sababay oo ka dhacay magaalada Garoowe

Inta la xaqiijiyay, lix ruux ayaa ku dhaawacmay shil galabta ka dhacay magaalada Garoowe.

Shilka ayaa  ka dhacay bannaanka hore ee Hoteel Curubo, oo ku yaalla dhinaca bari ee Caasimadda Garoowe.

Dadka dhaawacmay ayaa isugu jira rag, dumar iyo carruur, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland.

Xarumaha caafimaadka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in dhaawacyada qaarkood culus yihiin.

PUNTLAND POST