Magacyada dadka loo xiray kuraasta Garoowe iyo malxiisyadooda oo la shaaciyay

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland ayaa maanta shaaciyay magacyada dadka loo xiray kuraasta harsan iyo malxiisyadooda.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa loo xiray kursiga Hop#199 kaas oo khilaaf ka dhex abuuray Isimada Beesha Cumar Maxamuud iyo Madaxweyne Deni.

Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf Cali ayaa loo xiray kursiga Hop#198 oo isna kamid ah kuraasta khilaafku ka jiro.

Kursiga Hop#129 waxa mar kale loo xiray Xildhibaan Sacdiya Salaad oo horay ugu fadhiday.

Cabdirisaaq Xasan Dhookir oo ka tirsan Saraakiisha Hay’adda PMPF ayaa isna loo xiray Kursiga Hop#221.

Halkaan ka akhriso Liiska oo dhan

PUNTLAND POST