Ciidamada Puntland oo hawlgal ka fuliyay buuraha Galgala

Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda silsiladda Golis ee Gobolka Bari.

Ciidamada ayaa weerar toos ah iyo duqayn xooggan ku qaaday dabley ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumanayay buureleyda Dhagax-dhaabur iyo Habar-hagoogan ee silsiladda Golis gaar ahaanna Galgala.

Saraakiisha Ciidamada ayaa hawgalkaas ku tilmaamay mid guulaystay waxaana ay sheegeen in Al-shabaab laga saaray saldhigyo halkaas ugu samaysnaa.

Sidoo kale waxay tilmaamay in hawgalka oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay kooxda uu weli ka socda nawaaxigaas.

PUNTLAND POST