
Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Canada, gaar ahaan magaalada Edmonton ayaa sheegay inay ka walaacsanyahiin weeraro dhawaan loo geeystay dhallinyaro Soomaaliyeed.
Dhalinyarada ayaa lagu weeraray magaalada Edmonton, maamulka Jaaliyadda ayaa sheegay in mid kamid ah muwaadiniintan uu dhintay dhaawacii loo geeystay, halka kuwa kalena ay la liitaan dhaawacyadii soo gaareay.
laamaha amniga Canada, ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeyay weerarkaas.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Magaalada Edmonton ee dalka Canada ay qabteen Gaari looga shakisan yahay inay lahayeen dadkii weerarka geystay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.