Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay jadwalka dhameystirka doorashooyinka Soomaaliya ee ay xalay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT).
Goluhu wuxuu sheegay in kaalinta Dawlad Goboleedyada ay ku eg tahay fududeynta doorashooyinka ee deegannadooda, wuxuuna ugu baaqay in ay faraha kala baxaan hawlaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.
Maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ka horyimid jadwalka dhameystirka doorashooyinka, halka aysan weli ka hadlin Puntland, Jubaland iyo Hirshabeelle.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.