Isimada Beesha Cumar Maxamuud oo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa bayaan ka soo saaray Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee Hop#198 iyo Hop#199.
Isimada ayaa ka horyimid Hannaanka loo diyaariyay Doorashada labadaas kursi gaar ahaanna liiska Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada la shaaciyay oo ay ku tilmaameen waxba kama jiraan.
Musharrixiinta u dhashay Beesha Cumar Maxamuud ayaa sidoo kale loogu baaqay in aysan ka qayb-gelin Doorashada lagu wado in ay qabsoonto maalinta jimcaha.
Isimada ayaa sidoo kale ka digay in qalalaase ka dhasho boobka sida ay sheegeen lagu sameeyay kuraasta islamarkaana waxay mas’uuliyadeeda dusha u saareen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Halkaan ka akhriso Qoraalka



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.