Galmudug oo ka hortimid jadwalka uu shaaciyay Guddiga Doorashada heer Federaal

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka horyimid Jadwalka dhammaystirka Doorashada dadban ee uu shaaciyay Guddiga Doorashada heer Federaal (FIET).

Galmudug ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin Jadwalkaas oo ay ku  tilmaantay mid baalmarsan Heshiisyadii Doorashooyinka.

Qoraal ka soo baxay Galmudug ayaa lagu sheegay in Guddigu qaaday tallaabo ka baxsan Awoodooda islamarkaana ka horjeedda Heshiiyadii iyo Habraacyadii Doorashada.

Galmudug ayaa sidoo kale ka digtay wax kasta oo caqabad ku noqon kara dhammaystirka Hannaanka Doorashooyinka.

PUNTLAND POST