Guddiga Maamulka Doorashada Heer Puntland ayaa goordhaweyd shaaciyay jadwalka qabashada doorashada lixda kursi ee ka harsan xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto Puntland.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay guddiga, waxaa doorashada lixda kursi la qaban doonaa 18 Maarso oo ku beegan maalinta jimcaha.
Yaa loo saadaalinayaa in ay ku soo baxaan lixda kursi?
Waxaa jira shakhsiyaad loo saadaalinayo in ay ku soo baxaan lixda kursi, kuwaas oo la filayo in aysan tartan adag la kulmi doonin.
Kursiga Hop#199 ee Beesha Cumar Maxamuud oo laga soo doorto Gobolka Mudug, waxaa loo saadaalinayaa in uu ku soo baxo Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare.
Kursiga Hop#221 ee Beesha Dhulbahante oo laga soo doorto Gobolka Sool, waxaa lagu wadaa in uu ku soo baxo Cabdirisaaq Xasan Dhookir.
Kursiga Hop#191 ee Beesha Leelkase oo laga soo doorto Gobolka Mudug, waxaa loo saadaalinayaa in uu ku soo baxo Eng Cabdullaahi Maxamed Jigato.
Kursiga Hop#198 ee Beesha Cumar Maxamuud oo laga soo doorto Gobolka Nugaal, waxaa loo badinayaa in uu ku soo baxo Cismaan Cali Yuusuf Cali Xoosh.
Kursiga Hop#129 ee Beesha Carab Saalax oo laga soo doorto Gobolka Nugaal, waxaa loo saadaalinayaa in mar kale dib loogu doorto Sacdiya Salaad oo horay ugu fadhiday.
Kursiga Hop#073 ee Beesha Dhulbahante oo laga soo doorto Gobolka Cayn, waxaa loo saadaalinayaa in uu ku soo baxo Jaamac Xasan Khaliif.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.