
Lix kursi oo keliya ayaa ka harsan xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto Puntland.
Madaxweyne Deni, ayaa amar ku bixiyay in wakhtiga ugu kooban lagu qabto kuraasta harsan, si loo dhammaystiro doorashada 37 xubnood ee ka imaanaya Puntland.
Haddaba, waxaa jira shakhsiyaad loo saadaalinayo in ay ku soo baxaan lixda kursi ee harsan, kuwaas oo la filayo in aysan tartan adag la kulmi doonin.
Kursiga Hop#199 ee Beesha Cumar Maxamuud oo laga soo doorto Gobolka Mudug, waxaa loo saadaalinayaa in uu ku soo baxo Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare.
Kursiga Hop#221 ee Beesha Dhulbahante oo laga soo doorto Gobolka Sool, waxaa lagu wadaa in uu ku soo baxo Cabdirisaaq Xasan Dhookir.
Kursiga Hop#191 ee Beesha Leelkase oo laga soo doorto Gobolka Mudug, waxaa loo saadaalinayaa in uu ku soo baxo Eng Cabdullaahi Maxamed Jigato.
Kursiga Hop#198 ee Beesha Cumar Maxamuud oo laga soo doorto Gobolka Nugaal, waxaa loo badinayaa in uu ku soo baxo Cismaan Cali Yuusuf Cali Xoosh.
Kursiga Hop#129 ee Beesha Carab Saalax oo laga soo doorto Gobolka Nugaal, waxa loo saadaalinaya in mar kale dib loogu doorto Sacdiya Salaad oo horay ugu fadhiday.
Kursiga Hop#073 ee Beesha Dhulbahante oo laga soo doorto Gobolka Cayn, waxaa loo saadaalinayaa in uu ku soo baxo Jaamac Xasan Khaliif.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.