Ra’iisul Wasaare Rooble oo codsi u jeediyay Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumasda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho kala shiray xaaladda abaaraha dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Beesha Caalamka ka codsaday in deg deg loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso, si looga hortago macalluul keenta geeri wadareed iyo xaalad bani’aadminimo oo ay adag tahay in wax laga qabto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in abaartu saameysay dad ku dhow 6.9 milyan iyo xoolo ka badan 9.5 milyan, kadib markii ay baaqdeen saddex xilli roobaad oo is-xiga.

PUNTLAND POST