Dooni laga afduubay xeebaha Puntland iyo Booliska Soomaaliya oo ka hadlay

Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay Dooni kotorobaan siday oo dhawaan laga afduubay xeebaha Puntland.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdi Fitaax Aadan Xasan oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 8-dii bishaan March, inta u dhaxeysa xeebaha Xaafuun iyo Eyl laga afduubtay Dooni siday kotorobaan mukhaadaraad ah.

Afhayeenka wuxuu sheegay in Doonta uu waday naakhuude u dhashay dalka Yemen iyo 3 qof oo Soomaali ah balse ay is khilaafeen marka ay soo gaareen xeebaha Soomaaliya, kadibna ay afduubteen doontii saddexdii qof ee Soomaalida ah.

Wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ay ku daba jiraan Doontan oo lala soo aaday xeebaha koonfurta Soomaaliya, isagoo tilmaamay in aysan dhacdadan la xiriirin burcad-badeed.

Puntland ayaa ilaa hadda ka hadlin afduubka ka dhacay xeebaheeda ee loo geystay Doonta la sheegay in ay waday kotorobaan.

PUNTLAND POST