Cabdiraxmaan Caga weyn oo loo doortay xildhibaan

Guddiga Doorashada Galmudug aya xalay qabtay Doorashada Kursiga HOP#095 oo ay tartan adag ku wada galeen murashixiinta kala ah:-

1 – Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud

2 – Maxamuud Nuur Iimaan

3 – Maxamed Saciid Faarax

Seddax Musharax ayaa ku tartamay kursigaan oo wareeg labaad la isla aaday, waxayna wareegii koowaad kala heleen Maxamed Saciid 44-cod, Cabdiraxmaan Cagaweyne 35-cod, halka Maxamuud Iimaan uu helay 20-cod, waxaana wareega labaad u gudbay Maxamed iyo Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa wareegii labaad ku guuleystay codad dhan 54, halka Maxamed Saciid oo laga guuleystay uu helay 47-cod.

PUNTLAND POST