Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku qaabilay, wafdi ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho.
Wafdiga Qaramada Midoobay waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socda IGAD.
Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha, waxaana Madaxweyne Deni kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.
Madaxweyne Deni iyo Anita Kiki Gbeho oo markii kulanku soo dhamaaday shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii looga hadlay kulanka.
PUNTLAND POST