Musharax Xildhibaan Xirsi Cabdi Oog oo u kuur-galay xaalada degmooyin ka tirsan Mudug iyo Nugaal

Musharrax Xildhibaan Xirsi Cabdi Oog oo u tartamaya Kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay #Hop198 ayaa ayaa socdaal u kuur-gelid ah ku soo maray degmooyin iyo degaanno ka tirsan Gobollada Mudug iyo Nugaal.

Musharraxa oo u kuur-galaya Xaaladda Nololeed ee Bulshada ayaa socdaalkiisa ku soo maray qayba kamid ah Mudug iyo Nugaal sida Buurtinle, Xarfo, Bursaalax, Beyra, Galdogob iyo Tuurdibi.

Musharrax Xirsi Cabdi Oog ayaa meelaha uu booqday kulamo kula yeeshay mas’uuliyiinta dowladda, odayaasha dhaqanka, Waxgaradka, Ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Halkaan ka eeg sawirada

PUNTLAND POST