Wararkii u dambeeyay ee khilaafka kuraasta Garbahaarrey

Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sida wararku sheegayaan isku raacay in kuraasta Garbahaarrey loo wareejiyo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland.

Dhinacyada ayaa isla gartay in haddii go’aankaas shaqayn waayo dib loo dhigo Doorashada kuraasta taal Garbahaarrey, inta laga dooranayo Guddoonka Baarlamanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Villa Somalia ayaa doonaysa in Doorashada 16-ka kursi lagu qabto degmada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo.

Guddi qaabilsan qiimaynta Degaan doorashada Garbahaarrey oo uu magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maalmo ka hor loo diiday in ay tagaan magaalada Garbahaarrey.

Intaas kadib Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa go’aansaday in Doorashada loo wareejiyo Kismaayo.

PUNTLAND POST