Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa ku muransan Kursiga Golaha Shacabka ee Hop#221 oo laga soo doorto Gobolka Sool.
Deni iyo Karaash ayaa ku muransan shakhsiga loo xirayo kursiga Hop#221 waxaana la xaqiijiyay in uu natiijo la’aan ku dhammaaday kulan dhexmaray labada mas’uul.
Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Jibriil iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Dhabancad ayaa sida la sheegay bilaabay dhex-dhexaadinta labada dhinac si loo xalliyo muranka taagan.
Kursigaas waxa raadinaya shakhsiyaad kala duwan oo ka soo jeeda Beesha Bah-ararsame (Dhulbahante) islamarkaana weli lama saadaalin karo cidda ku soo baxaysa haddii aan la xallin khilaafka ka dhashay.
PUNTLAND POST