Puntland oo heshiisiisay saraakiishii ku kala irdhoobay khilaafkii PSF

Muuqaal: Wasiir Gallan oo ka hadlay heshiisiinta saraakiisha ciidamada

Xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen saraakiishii kala duwanaa ee ku kala irdhoobay khilaafii PSF iyo dagaalkii Boosaaso.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamed Gallan, taliyayaasha ciidamada Booliska, Daraawiishta, PSCF, PISF iyo saraakiil kale, waxaana looga hadlay sidii hab wadajir ah looga wada shaqeyn lahaa amniga Puntland gaar ahaan gobolka Bari iyo la dagaalanka argigixisada.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo in saraakiisha ciidamada kala duwan ee Puntland u wada shaqeeyaan sidii hore.

PUNTLAND POST