Koonfur Galbeed oo qabanaysa doorashada kuraastii u danbaysay golaha shacabka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay Guddiga lagu shaaciyay doorashada 7 kursi oo ka harsan xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

1: HOP#181 oo ay ku fadhiso Maryan Macalin Isaaq.

2 HOP# 204 oo uu ku fadhiyo Macalin Cali Aadan

3: HOP# 197 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee howlaha Guud & Guryeynta Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey

4: HOP#179 Maxamed Axmed Maxamed ( Garweyne)

5: HOP#172 oo uu ku fadhiyo Cali Cadow Maxamuud waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen).

6: HOP# 164 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Isaaq Fanax

7: HOP# 047 oo ay ku fadhiso Wasiirka Haweenka Xukuumadda xilgaarsiinta Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Dhammaan kuraastaas ayaa sida guddigu sheegay doorashadooda la qaban doonaa Todobaadkan.

PUNTLAND POST