Guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland ayaa laga sugaya in ay shaaciyaan doorashada lixdii kursi ee u dambaysay golaha shacabka.
Doorashada lixdaas kursi ayaa lagu wadaa in ay Garoowe ka qabsoonto todobaadka soo socda.
Kursiga Hop#199 ee laga soo doorto Gobolka Mudug oo ay u sharraxan yihiin dad kala duwan ayaa ugu hadal-hayn badan kuraasta harsan.
Dowladda ayaa doonaysa in kursigaas Hop#199 shakhsi gaar ah loo xiro balse isinka Beesha ayaa raba in lagu tartamo.
Guddiga ayaa horay u qabtay doorashada 31 kursi oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto Puntland.
PUNTLAND POST