Gaadiidleyda Garoowe oo ka cabanaya qiima koror ku yimid shidaalka

Gaadiidleyda ku dhaqan caasimadda Garoowe ayaa ka cabanaya sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka.

Sicirka shidaalka ayaa maalmo kooban gudahood qiima koror laga dareemay magaalada Garoowe sida ay sheegayaan gaadiidleyda.

Waxaan hadda tanag naafto ah ku iibsaday $19 Dollar maalmo ka horna wuxu ahaa $14 Dollar” ayuu yiri mid kamid ah gaadiidleyda.

Waxa xusid mudan in uusan jirin qiima koror ku yimid shidaalka la keeno Garoowe balse arrintan ku koobantahay kaalmaha shidaalka oo keliya.

PUNTLAND POST