Doorashada saddex kursi oo maanta lagu qabanayo Beledweyne

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Heer dowlad Goboleed ee Maamulka HirShabeelle ayaa lagu wadaa in ay maanta Beledweyne ku qabtaan dorashada saddex kursi oo kamid ah golaha shacabka.

Kuraastaas waxa kamid ah kursiga Hop#030 oo uu horay ugu fadhiyay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow kaas oo loo saadaalinayo in mar kale dib loogu doorto.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayaa qoraal ayaa sheegay in ay hakiyeen doorashada saddexdaas kursi balse mar kale caddeeyay in ay dib u fasaxeen.

PUNTLAND POST