Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira kulan gaar ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit.

Kulanka labada mas’uul waxaa goobjoog ka ahaa Danjire Ilyas Sheikh Omar, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Ergeyga Joogtada ee Jaamacadda Carabta.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsanayd siyaabaha ay wadamada carbeed uga taageeri lahaayeen Soomaaliya wax ka qabashada xaaladda daran ee abaaraha ee ka jira dalka iyo sidoo kale doorashooyinka socda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo wefdiga socdaalkiisa ku wehliya ayaa sidoo kale maanta kaga qeybgali doona Magaalada Qaahira Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed meertadiisa caadiga ah ee 157aad.

PUNTLAND POST