Xiisad amni ayaa maanta ka taagan magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo.
Ciidamo hubaysan ayaa la wareegay garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarrey halkaas oo la filayay in ay gaaraan guddi uu Ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay qiimaynta degaan doorashada Garbahaarrey.
Mas’uuliyiinta degmada ayaa la sheegay in ay Ciidankaas ku amreen in guddiga uu magacaabay Rooble aysan ka soo degi karin garoonka diyaaradaha.
Dhinaca kale Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa ka horyimid tallaabada uu qaaday maamulka magaalada Garbahaarrey waxaana ay amar ku bixiyeen in ciidamada hubaysan laga saaro garoonka.
PUNTLAND POST