Madaxweyne Deni oo raba in uu shakhsiyaad gaar ah u xiro kuraasta Hop#198 iyo Hop#199

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimada Beesha Cumar Maxamuud ayaa lagu wadaa in ay dhowaan kulan gaar ah ku yeeshaan xarunta Madaxtooyada Garoowe.

Madaxweyne Deni, oo hadda ku sugan Boosaaso ayaa la filayaa in uu maanta oo Taalado ah dib ugu soo laabto Caasimadda Garoowe.

Madaxweynaha ayaa sida wararku sheegayaan doonaya in kuraasta Hop#198 iyo Hop#199 ee Golaha Shacabka uu shakhsiyaad gaar ah u xiro, islamarkaana Isimada Cumar Maxamuud ku qanciyo arrintaas.

Lama oga weli jawaabta ka imaan doonta dhinaca Isimada, iyadoo si weyn isha lagu hayo kuraastaas oo xiisa gaar ah xambaarsan.

PUNTLAND POST