Dagaal ka socda magaalada Beledweyne

Dagaal ayaa ka socda nawaaxiga xarunta madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan u dhexeeya ciidamada Ilaalada madaxtooyada Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan qaar kamid ah musharrixiinta doonaya kuraasta Baarlamanka ee Beledweyne taal.

Weli faahfaahin sugan lagama hayo kbasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac oo ku salaysan khilaafka kuraasta golaha shacabka ee laga soo doorto Beledweyne.

PUNTLAND POST