Cabsida Galbeedku ka qabo Ruushka

W.Q. Aadan F. Siraaje

Vladimir Putin way ka go’an tahay inuu hor istaago in NATO ku fiddo dhul ka tirsanaa Midowgii Soofiyeeti

Dagaalka Ukraine ka socda wuxuu Galbeedka ku abuuray walaac ku saabsan ballaarinta gaashaanbuurta NATO. Dulqaadka Ruushku muujiyay markii jamhuuriyadihii ka go’ay Midowgii Soofiyeeti aad ugu dhowaadeen NATO waxaa loo fasirtay awood-darro. “Loo joojin mayo Ruush” bay siyaasiyiinta mayalka adag ee Galbeedku yiraahdeen.

Cabsida Galbeedku ka qabo in dagaal nukliyeer ihi dhaco way ka yar tahay cabsida ay ka qabaan in Ruushku ka baxo heshiiska la dagaallanka fidista hubka halista ah. Ruushku wuxuu awoodaa in uu teknoolajiyada hubka halista lagu sameeyo la wadaago dalal kale.

Qiimeyntii Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanku samaysay dhowr sano ka hor waxay tibaaxday in hub nukliyeer ihi oo uu qof sito lagu dhufan karo magaalo dad badan deggan yihiin sida New York.

Aleksandr Solzhenitsyn wuu arkayay damaca qar-iska-xoorista ee Galbeedka

Galbeedku wuu carruuroobay siyaasad ahaan waayo dulqaadkii Ruushka ayay u qaateen tabardarro. Heshiiskii dhammaadkii dagaalkii qaboobaa waxaa ka mid ahaa isafgarad diidayay in NATO ku fiddo meelo u dhowdhow Ruushka. Wasiirka Arrimmaha Dibedda Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in damaanad aan la siinin Ruushka ku saabsan fidista NATO.

Aleksandr Solzhenitsyn, qoraa Ruush ahaa oo 2008dii geeriyooday, wuu ku digay is ballaarinta gaashaanbuurta NATO

Xeeldheerayaal u kuurgala loollanka quwadaha waaweyn ayaa ku tilmaamay dowladaha Galbeedka inay is moogsiiyeen awoodda militari ee Ruushka, awooddaas oo ku salaysan tirada hubka nukliyeerka uu haysto iyo awoodda uu u leeyahay inuu jabsado kaabayaasha dhaqaale ee dalalka uu arko inay danaha Ruushka halis galinayaan.

Hadduu Ruushku ka baxo heshiiska la dagaallanka fidista hubka halista ah, waxaa dhici doonta in tirada dalalka hubka nukliyeerka ah haysta ay kordhaan, Waa haddii hubka noocaas ihi uusan gacanta u gelin kooxo argagixiso ah.

Aadan F. Siraaje, Kismaayo