Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Gobolka Nugaal

Inta la xaqiijiyay afar askari ayaa ku dhintay Todoba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland.

Shilka ayaa sida wararku sheegayaan ka dhacay dalcadda Karin-dhiig oo u dhexaysa degmad Dangoroyo iyo tuulada Libaaxo oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Dhaawacyada askarta ayaa loo qaaday isbitaallada ku yaalla Caasimadda Garoowe.

Ciidanka ayaa hordhac u ahaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hadda ku sugan Boosaaso laguna wado in uu ku soo laabto Garoowe.

Puntland Post