Odoroska Roobabka Gu’ga ee la filayo in ay ka curtaan Puntland

Baahinta Xogta Filashada roobabka Gu’ga ee ka imaanaysa urur goboleedka IGAD xarunteeda saadaasha cimillada ee (ICPAC) laguna soo sooray madasha (GHACOF60) waxa ay tibaaxaysaa in la filankaro roobab dhex-dhexaada iyo kuwo lixaad leh meelo ka mida degaannada Puntland.

Degmooyinka Laasqoray, Badhan, Dhahar, Taleex iyo Garoowe, waxaa la filayaa inay helaan xaddi roobab wanaagsan (Normal and/or above normal).

Sidoo kale qaybo ka mid ah degmooyinka Bosaaso, Qardho, Ballidhidin, Ufeyn, Carmo iyo Boocame ayaa loo saadalinaya xaddi roobab wanaagsan.

Degaannada kale ee Puntland ayaa la filayaa in ay helaan roobab dhex-dhexaad ah, waxaase weli jiri kara saamaynta abaaraha degaanadaas maadama labaddii sanno ee u danbeeyay roobabku aad u yaraadeen.

Dhul daaqsimeedka Nugaasha, Soolka, Dharoor iyo Buuralyda Golis ayaa la rajaynayaa in daaqsinkoodu wanaagsanaado xilli robaadka kadib.

Xilli robaadka ayaa la filayaa inuu bilowdo satimaanka saddexaad ee bisha April (Ramadanka).

Iyada oo la tixgelinayo saadasha roobabka gu’ga, haddana waa in loo wada diyaar garoobaa xaalad kasta oo imaan karta si talada iyo go’aanada ku habboon loo qaato.

Xigasho: Xarunta Maareynta Xogta Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Puntland

PUNTLAND POST