Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Boosaaso kulan kula qaatay saraakiisha kala duwan ee ciidamada amniga Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiisha ciidamada Puntland, waxaana looga hadlay amniga Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ku boggaadiyay ciidamada Puntland sida ay marwalbo heegan ugu yihiin ka shaqeynta amniga gudaha iyo dibada, xilli uu dalku ku jiro marxalad doorasho.

PUNTLAND POST