Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka hadlay is hor istaag saaka lagu sameeyay safar uu ku tegi lahaa magaalada Baydhaba.
Shariif Xasan oo Shir jiraa’id ku qabtay muqdisho ayaa sheegay shalay uu doonaay in uu Muqdisho ka safro, balse laga hor istaagay, mar kale ayuu saaka isku dayay in uu safro balse waa loo diiday sida uu warbaahinta u sheegay.
Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Lafta-gareen uu mas’uul ka yahay is hor istaagga lagu sameeyay, kaasi oo uu ku sheegay in uu ahaa mid sharci darro ah.
Shariif Xasan ayaa sidoo kale Lafta-gareen ku eedeeyay in uu diyaariyay Ergooyin been abuur ah oo aan hayn kuwii dooran lahaa kursiga uu doonayay, waxaana uu sheegay in boob lagu hayo doorshada.
PUNTLAND POST