Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan la yeeshay Amiirka dalka dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtootada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar ay isla garteen dhameystirka mashaariic horumarineed oo dowladda Qatar ka waddo Soomaaliya iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Golaha Amiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dhameystirka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee dalkeenna, isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu daray “Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen ayaa soo dhaweeyey in dowladdiisu ay door weyn ka qaadato gurmadka abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, iyada oo mudnaan siin doonto gurmadka degdegga ah iyo xalka waara oo ay ka mid yihiin maalgelinta Beeraha, Xoolaha iyo Kalluunka oo fursado shaqo u abuuraya dhallinyarada Soomaaliyeed, xalna u noqonaya abaaraha soo laalaabtay ee dalkeenna”.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.