Khilaaf ku salaysan Kursiga Hop#029 oo ka dhex aloosan Siciid Deni iyo Xasan Abgaal

Khilaaf ku salaysan kursiga Golaha Shacabka Hop#029 ee Beesha Ciise Maxamuud ayaa sida la xaqiijiyay ka dhex aloosan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wasiirka Maaliyadda, Xasan Shire Abgaal.

Kursigaas oo laga soo doorto magaalada Kismaayo ee Jubaland, waxa horay ugu fadhiyay nin lagu magacaabo, Liibaan Cismaan Cabdiraxmaan, waxaana hadda raadinaya Duni Maxamed Guuleeto, kadib markii jifidiisa loo xiray.

Qoraal ku taariikhaysan 24/08/2019 oo ka soo baxay suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa lagu go’aamiyay in kursigaas loo xiro Jifida Xasan Abokor oo uu ka dhashay Duni Guuleeto.

Balse, Deni iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya in Hop#029 loo xiro nin lagu magacaabo, Axmed Maxamuud Jaamac oo ka tirsan Shaqaalaha Madaxtooyada Jubaland, islamarkaana aan haysan saxiixa Suldaanka.

Wasiir Xasan Abgaal ayaa ka horyimid in wax laga beddelo Saxiixa Suldaan Siciid Maxamed Garaase kursiga ku siiyay jifida Duni Guuleeto, taas oo sababtay khilaafka Siciid Deni iyo Xasan Abgaal.

Kursiga muranka dhaliyay ee Hop#029 ayaa sida wararku sheegayaan marar kala duwan dib loo dhigay welina lama qaban doorashadiisa.

PUNTLAND POST