Amxaarada oo xustay gurmadkii Kuuba u fidisay Mengistu 1978kii

Gumeyste-kalkaal: Safiirka Kuuba u jooga Itoobiya oo ubax dhigaya meel lagu xusayo hiilkii Kuuba u fidisay Mengistu 1978kii.

Addis Ababa (Wararka PP) — Gumeysiga Madow ee Amxaarada ayaa Addis Ababa ku xusay wax ay ku tilmaameen “Guushii Kaaraamardha”. Safiirka Kuuba u jooga Itoobiya Jorge Lefebre Nicolá, ayaa Beerta Saaxiibtinimada oo ku taalla Addis Ababa dhigay ubax.

“Kuuba ayaa 15,000 ciidan u soo dirtay Itoobiya weerarkii Soomaaliya. Ciidan badan ayaa naftooda ku waayay” ayay qortay shabakadda Borkena oo taageerta gumeysiga madow ee Amxaarada.

Mustafe Cumar wuxuu u eg yahay qof u riyaaqsan dabaaldegga Gumeysiga Madow ee Amxaarada.

Xuskan ku saabsan taageeradii Kuuba iyo Midowgii Soofiyeeti u fidiyeen Xabashida waxaa lagu soo beegay colaadda Ruushku ka aloosay Ukraine. “Amxaaradu way og yihiin in dhul Soomaaliyeed ay xoog ku qabsadeen iyagoo kaashaanayay gumeystayaashii reer Yurub. Maanta waxay ceebi hoos taal dowladda federaalka oo ku hadaaqaysay isdhexgal dhaqaale oo Itoobiya lala yeesho, iyo Mustafe Cagjar [Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida] oo weyneynta xagjirka Amxaarada hadda u arka sida keliya oo uu ku sii wadi karo amarkutaagleyntiisa” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo ku sugan Addis Ababa.

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo baaraya gaboodfallada ciidammada Itoobiya iyo Eritreeya ka geysteen gobolka Tigray.

Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, ayaa ka dhirfiyay xagjrka Amxaarada kaddib markuu sheegay in dagaal sokeeye uu guuldarro uun leeyahay. Abiy, oo loo haysto gaboodfallo ba’an iyo u adeegsiga Eritreeya inay Tigreega xasuuqaan, ayaa ka walaacsan baaritaanka uu wado Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Miboobay.

© Puntland Post, 2022