Madaxweyne Farmaajo oo u safray dalka Qatar

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta safar ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweyne Farmaamjo ayaa Dooxa kulan kula qaadan doono Amiirka dowladda Qadar Tamim bin Hamad Al Thani.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd safar shaqo oo labo maalmood qaadanaya ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar”.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Dowladda Qadar Mudane Tamim bin Hamad Al Thani ayaa halkaas ku yeelan doona wada hadallo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo horumarinta danaha qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah” ayaa lagu daray.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xili ay Soomaaliya ka socota doorasho, Madaxweyne Famraajo-na la aaminsan yahay in uu markale tartami doono.

PUNTLAND POST