16 Xildhibaan oo maanta lagu doortay magaalada Boosaaso

16 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Kursiga Hop#157 ayaa loo doortay Maxamuud Axmed Aaden Geesood halka kursiga Hop#227 dib loogu doortay Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (Qambi).

Kursiga#273 ayaa loo doortay Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko halka kursiga Hop#234 loo doortay Marwo Cabdi Bashiir.

Kursiga Hop#076 ayaa loo doortay Muuse Axmed Ismaciil. Kursiga Hop#169 waxaa isna ku guulaystay Cali Mahdi Maxamed Qalato.

Kursiga Hop#083 waxaa ku soo baxay Maxamed Bashiir Cali (Bashiir Baxnaan) halka kursiga Hop#220 uu ku guulaystay Cali Xaaji daahir Saleebaan.

Hop#149 ayaa loo doortay Faysal Axmed Maxamud (Faysal wahaabi) halka Hop#158 uu guulaystay Saddaam Maxamuud Cabdi.

Siciid Cali Muuse ayaa ku soo baxay kursiga Hop#027 halka Maxamed Aaden Diini loo doortay kursiga Hop#036.

Hop#222 waxa ku guulaystay Caynaanshe Yusuf Xuseen halka Hop#228 uu ku guulaystay Cabdullaahi Faarax Mire.

Ismaaciil Shire Jaamac (Buraale) ayaa loo doortay Hop#142 halka Maxamed Cabdulqaadir Maxamed (Dhucle) loo doortay Hop#190

PUNTLAND POST