Doorashada Lix kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.
Lixda kursi ee doorashadooda qabsoontay waxay kala yihiin Hop#253, Hop#178, Hop#050, Hop#230, Hop#183 iyo HOP#275, waxaana dhammaan ku soo baxay wajiyo cusub oo dhalinyaro u badan.
1. Kursiga sumadiisu tahay Hop#253 oo horay ugu fadhiday Samra Ibraahim Cumar, waxaa ku guuleystay Aadan Maxamed Cali.
2. Kursiga Hop#178 oo horay ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar-dambe, waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Maxamed Cali.
3. Kursiga Hop#050 oo horay ugu fadhiyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, waxaa ku guuleystay Wasiirka Ganacsiga Koonfur Galbeed Axmed Sheekh Maxamed (Mashruuc).
4. Kursiga Hop#230 oo horay ugu fadhiyay Pro. Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi), waxaa ku guuleystay Jaamac Taqal Cabaas.
5. Kursiga Hop#183 oo horay ugu fadhiyay Sandheere Maxamed Iftin, waxaa ku guuleystay Mukhtaar Maxamed Guuleed.
6. Kursiga HOP#275 oo horay ugu fadhiyay Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan, waxaa ku guuleystay Ismaaciil Iidow Maxamed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.