Puntland oo ka hadashay dagaalkii Al-shabaab ku qaadday degaanka Milxo

Col. Fu’aad Warsame Maxamed (Fu’aad Xannaano) oo kamid ah Saraakiisha ugu sarraysa Ciidamada difaaca Puntland ayaa beeniyay in Al-shabaab qabsatay degaanka Milxo oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Taliye Fu’aad Xannaano oo si kooban ula hadlay Puntland Post ayaa sheegay in Al-shabaab weerar culus ku soo qaadday degaanka balse ay si adag isaga difaaceen ciidamo ka tirsan Puntland oo ay weheliyaan ciidanka degaanka.

Col. Xannaano ayaa tilmaamay in Al-shabaab lagu jebiyay weerarka islamarkaana khasaare badan gaaray inkastoo uusan ka hadlin khasaaraha gaaray dhinaca Ciidamada.

Wuxuu sheegay in weerarka Al-shabaab ku bilowday hoobiyaal ay ku rideen degaanka Milxo kadibna Ciidamadu iska difaaceen.

PUNTLAND POST