Xog: Kulankii Madaxweyne Deni iyo Maxamuud Diyaano oo is-faham la’aan ku dhammaaday

Kulankii u horreeyay ee maanta dhexmaray Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa is-faham la’aan ku dhammaaday, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Madaxweynaha iyo Agaasimaha oo ay weheliyeen isimo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxay kulan albaabadu u xiran yihiin ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Boosaaso.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa ka dalbaday Maxamuud Diyaano in uu aqbalo dikreetadii looga qaaday xilka Agaasimaha PSF, islamarkaana xilka wareejiyo, kadibna loo fulin doono wixii uu dowladda ka rabo.

Balse, Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa diidma ka muujiyay dalabka Madaxweynaha, wuxuuna codsaday in dowladdu fuliso go’aankii u dambeeyay ee Isimada, kadibna la xalliyo wixii khilaaf ah ee jira.

Go’aankii u dambeeyay ee Isimada ayaa dhigayay in Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Agaasimaha PSF, kadibna la heshiisiiyo isaga iyo Madaxweyne Siciid Deni.

Kulanka oo natiijo la’aan ku dhammaaday ayaa lagu ballamay in mar kale berri galab la isku laabto, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen dad ka tirsan labada dhinac.

Kulankii kan ka horreeyay ee Madaxweynaha iyo Isimadu ka yeesheen xallinta khilaafkii PSF ayaa sidaan oo kale is-faham-waa ugu dhammaaday.

PUNTLAND POST