
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Garoowe ka daah-furay wejiga labaad ee shirka nabadaynta Beelihii dirirtu ku dhex martay degaanka Saax-meygaag iyo Senge-jebiye
Shirkaan oo ah wajigii labaad ee beelaha u furma, waxaa madasha beelahaas ku saxiixeen ogolaanshaha gardhiibashada guddiga dhexdhexaadinta oo iyagana madasha lagu dhaariyay.
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shirka guul u rajeeyay iyo inuu horseedo nabad iyo barwaaqo.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa sheegay in dowladdu ay garab taagan tahay Isimada dhaqanka iyo guddiyada kala duwan ee arintan ku hawlan, isla markaana ay juhdi gelinayso sidii nabad waarta loo helilahaa.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa guddiyada labada dhinac kula dar-daarmay inay masuuliyad iska saaran nabadaynta beelaha walaalaha ah.
Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahadceliyey Isimada dhaqanka , guddiga dhex dhexaadinta iyo guddiyada horumarka ay ka sameeyeen xal uhelidda shaqaaqadii dhacday.









PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.