Midowga Yurub oo Soomaaliya Ka Doonaya Taageero ka Dhan ah Ruushka

Danjire Tina Intelmann oo Muqdisho kula kulantay Ra’iisal Wasaare Rooble.

Muqdisho (Wararka PP) — Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tina Intelmann ayaa ka codsatay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya inuu taageero hindise Midowga Yurub ku doonayo in la dhaleeceeyo wax ay ku tilmaantay “gardarrada Ruushka”.

Kulan ay Danjiruhu la yeelatay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya kuna soo bandhigtay xirmo taageero ah oo dhan dhowr iyo afar milyan oo dollar si loo taageero dadka ku tabaaloobay abaarta ayay ku soo bandhigtay bareeraheeda ah in Soomaalida ay “eedeyn u soo jeediso Ruushka” oo weerar ku qaaday Ukraine.

Cadaadiska dimlomaasiyadeed ay Danjiraha saartay Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa lagu tilmaamay mid taageerada aadaminimo ku xirayo shuruud.

Weli dowaldda xilgaarsiinta Soomaaliya may soo bandhigin mowqifkeeda ku aaddan colaadda ka socota dhulkii loo yiqiin Midowga Soofiyeeeti.

© Puntland Post, 2022