Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay Guddi soo qiimeeya xaaladda deegaan doorashada labaad Jubaland ee Garbahaarey.
Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa isu jira xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddiyada doorashooyinka, waxayna ka soo talo bixin doonaan habka ugu suuro galsan ee doorashada Garbahaarey ku qabsoomi karto.
Magacaabida Guddigan ayaa lagu go’aamiyay shirkii 24 February ee Madasha Wadatashiga Qaran.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.