Warar hoose ayaa ka soo baxaya Shirkii maanta dhexmaray Madaxweyne Siciid Deni iyo Isimadii ku jiray xallinta dhibaatadii ka dhacday Boosaaso.
Waxaan la xiriirnay dad ku dhow labada dhinac, si aan xog faahfaahsan uga helno Arrimaha hoose ee looga hadlay Shirkii maanta, gaar ahaanna Qodobada isfahamka laga gaaray iyo kuwa la isku-mari waayay.
Kuraasta Golaha Shacabka: Madaxweyne Deni wuxuu ballan-qaaday in uu Odayaasha Dhaqanka uga danbaynayo Kuraasta Golaha Shacabka, islamarkaana kursi kasta uu go’aankiisa leeyahay Isinka Beesha.
Heshiiska DP World: Madaxweynuhu Wuxu sheegay in Dekedda Boosaaso lagu wareejin doono shirkad ay wada leeyihiin Puntland iyo DP World, taas oo dowladdu ku leedahay 25% laguna kalsoonyahay, iyadoo isfaham laga gaaray Qodobkaas.
Qoondada Horumarinta Boosaaso: Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay Qoondada Horumarinta Boosaaso oo ay horay u go’aamiyeen Isimadu, balse wuxu su’aal ka keenay boqolleyda 17% isago codsaday in wax laga beddelo.
Arrinta PSF: Dood adag ayaa ka dhalatay, waana la isku-mari waayay, kadib markii Isimadu ku adkaysteen Go’aankoodii u danbeeyay ee ahaa in Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Hay’adda PSF. Sida wararka qaar sheegayaan Qodobkaas dib ayaa loo dhigtay.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ku ballamay kulan danbe oo lagu dhammaystirayo Wada-hadalka socda, inkastoo aan wakhti cayiman la sheegin.
PUNTLAND POST